http://www.somali6utdexu2op5rg5c6ccwkdaetkrijfakrnbsduxtttoicx5v3yd.onion/a/ciidamada-israel-oo-saddex-qof-ku-dilay-daanta-galbeed/7103587.html
Bayaan ay soo saartay ayey wasaaradda Caafimaadka Falastiiniyiinta ku sheegtay in saddexda nin oo lagu dilay xerada qaxootiga Balata ee Nablus lagu magacaabay Muhammad Abu Zaytoun, 32 jir, Fathi Abu Rizk, 30 jir, iyo Abdullah Abu Hamdan, 24 jir. Guutada Shuhadada Al-Aqsa, oo ah garabka hubeysan ee xisbiga Fatah ee madaxweyne Mahmud Abbas, ayaa bayaan ku sheegtay in saddexda nin ay xubin ka ahaayeen dagaalyahannada kooxda.