http://k5difsxrb4oyvxi5uvvhph34w5qwbovgwbkoddtbmakiukfzmo2fxlqd.onion/Somalia/SomaliBible.html
Genesis 7 7:1 Oo Rabbigu wuxuu Nuux ku yidhi, Adiga iyo dadka gurigaaguba soo gala doonnida; waayo, waxaan arkay adigoo qarnigan xaq ku ah hortayda.
7:2 Xoolaha daahirka ah toddoba iyo toddoba ka qaad, ku lab iyo dhaddiggiis; xoolaha aan daahirka ahaynna laba ka qaad, ku lab iyo dhaddiggiis;
7:3 haadda hawadana toddoba iyo toddoba ka qaad, lab iyo dhaddig: si farcan ugu sii noolaado dhulka dushiisa oo dhan.
7:4 Waayo, waxaa weli hadhay toddoba maalmood,...