http://k5difsxrb4oyvxi5uvvhph34w5qwbovgwbkoddtbmakiukfzmo2fxlqd.onion/Somalia/SomaliBible.html
Webiga afraadna waa Yufraat.
2:15 Rabbiga Ilaah ahuna ninkii wuu kaxeeyey oo wuxuu geeyey beer Ceeden inuu falo oo dhawro.
2:16 Rabbiga Ilaah ahuna wuxuu ninkii ku amray isagoo leh, Geed kasta oo beerta ku yaal wax baad ka cuni kartaa:
2:17 laakiin geedka aqoonta wanaagga iyo, xumaanta waa inaanad waxba ka cunin: waayo, maalintii aad wax ka cuntid hubaal waad dhiman doontaa.
2:18 Oo Rabbiga Ilaah ahu wuxuu yidhi, Ma wanaagsana in ninku...